Ciidamada Kenya oo Dalbaday in Laga Daadgureeyo Lamu Cabsi Laga Qabo Al-shabaab

0

Saraakiisha iyo ciidamada dowlada Kenya ee ka howlgala jaziirada Lamu ayaa dowlada Kenya waxa ay ka codsadeen in laga saaro xarumha ay jaziiradaasi kaga sugan yihiin kadib markii  ay heleen hanjabaadyo kaga imaanaya dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale ciidamada ku sugan  keymaha Boni ee dalka Kenya ay dalbadeen in si deg deg ah loo daad gureeyo iyagoo sheegay in howlgalkan uu ku daba dheeraaday kaa oo ay bilaabeen bishii August sanadii hore ee 2017.

Qaar kamid ah saraakiisha Kenyatiga oo la hadlay wargeyska The Star oo magacooda qariyay sababo amni aawadeed ayaa waxa ay sheegeen in ay shaqadooda waayi doonaan hadii ay markale dalbadaan in laga soo saaro xerooyinka ay ku howlgalaan.

“Waxaan u maleynaa in aan shaqadeena waayi doono anagoo dadaalo badan bixinaynay waana in madaxdeena ay fuliyaan waxyaabaha aan codsaneeno” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah saraakiisha oo magaciisa qariyay.

Howlgalka Linda Boni ayaa si rasmi ah loo bilaaabay 15-kii September 2015 si looga hortago dagaalyahanada iyo weerarada xarakada al shabaab ay ka geestaan dalkaasi Kenya.

Ciidamada kenyatiga ah ee ka howlagala keymaha Boni iyo jaziirada Lamu ayaa sheegay in Madaxdooda ay fadhi ku cunaan lacagtii loogu talagay iyagoo sheegay in nafsadooda ay Qatar u geliyaan ladagaalanka dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab oo deegaanadaasi ku hareereesan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here