Daraasad BBC: Taalibaan waxay halis ku yihiin 70% dalka Afqaanistaan

0

Dagaalyahanada Taliban oo xoogaga ay Mareykanka ay hogaamiyaan ay ku bixiyeen balaayiin doolar si looga adkaado ayaa waxa hadda si firfircoon uga howlgalaan 70% dalka Afqanistan, sida lagu ogaaday daraasad ay BBC samaysay.

Bilooyiin baaritaan laga samaynayay guud ahaan dalkaasi ayaa waxa ay natiijada muujinaysaa in kooxda Taliban ay imika haystaan dhul ka badan dhulkii ay haysteen markii ciidamada wadamada shisheeya ay halkaasi ka baxeen 2014.

Dowladda Afqanistaan ayaa ku gacan sayrtay warbixintan, waxayna sheegtay in ay maamusho dhulka Afqanistaan intiisa badan.

Balse qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay Afqanistan gaar ahaan Kabul iyo goobo kale ayaa waxa ku dhintay tira badan oo dad ah, waxaana masuuliyada sheegtay Taliban iyo IS.

Saraakiisha dalka Afqaanistaan iyo madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa meesha ka saaray wadahadal ay la galaan Talibam.

Sanaddii aanu soo dhaafnay madaxwaynaha Mareykanka Mr Trump ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka ay sii joogi doonaan dalka Afqanistaan.

Daraasada ay samaysay BBC ayaa sidoo kale lagu ogaaday in kooxda IS ay hadda kaga xoogan yihiin Afqanistaan sidii hore.

Balse kooxda la baxday dowladda Islamka ee IS ayaa kaga awood yar dalka Afqanistaan marka Taliban loobarbar dhigo.

Daraasadda BBC ayaa muujinaysa in Taliban imika ay haystaan 14 degmo taasi oo u dhiganta 4% dalkaasi.

Waxa ay Taliban sidoo ay si muuqta oo firfircoon uga howlgalaan 263 degaan taasi oo u dhiganta (66%),islamarkana ka badan qiyastii la filayya ee awooda Taliban.

Ku dhwaad 15 milyan oo qof oo ah kala bar dadka dalkaasi ayaa ku nool dhulka ay Taliban haystaan ama ay si muuqata uga howlgalaan oo ay weerarda ka fuliyaan.

Madaxwaynaha Afqanistaan oo la hordhigay daraasada BBC , ayaa afhayeenka Mr Ashraf Ghani oo lagu magacaabo Shah Hussain Murtazavi waxa uu sheegay : “degmooyiinka qaar ayaa laga yaabaa in marba dhinac ay qabsadaan , balse marka aad eegto xaaladda sanadkii [2017/18] howlaha Taliban iyo IS waa la yareeyay.

“Ciidamada ammaanka ee Afqanistaan waxay ku guulaysteen dagaalada ka socda tuuloyiinka , suuragal ma aha in imika Taliban ay gobol dhan la wreegaan .”ayuu intaa ku daray afhayeenka.

Leave a Reply