Imisa qarax ayaa bisha Janaayo ee 2018 ka dhacay magaalada Muqdisho? (Akhriso)

0

Muqdisho (Jamhuuriyada Online) – Qaraxyo geystay khasaaro kala duwan ayaa bishaan January ee 2018 ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kuwaa oo ay ku nafwaayen dad u badan shacab.

Qaraxyada ugu badan ee bishaan January ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaaya kuwo loo adeegsaday Miinooyinka nooca lagu hago rimuudka ee la dhiga hareeraha waddooyinka.

Guud ahaan Qaraxyada bishaan January ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ah 11 Qarax oo qaarkood ay ku nafwaayen dadkii loo dhigay.

Qaraxyada ugu badan ayaa sidoo kale ka dhacay Degmooyinka Hodan, Dayniile iyo Heliwaa, waxa ayna kala yihiin:-

1-January,9,2018, Qarax miino oo lagu weeraray gaari ay la socdeen Ciidamo Boolis ah ayaa waxa uu ka dhacay nawaaxiga ceelka Caafi ee wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay Laba askari oo Boolis ah.

2- January,10,2018, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan, waxaana ku dhaawacmay laba Ruux oo gaariga la socday oo midi lagu magacaabaayay Catoosh.

3- January,10,2018, Qarax miino ayaa lala eegtay gaari uu watay Gudoomiye Ku-xigeenka dhanka amaanka Maamulka Degmada Heliwaa Abshir Kaaraan, mana jiro waxyeelo kasoo gaaray Qaraxa.

4-January 11, 2018, Maleeshiyada  al-Shabaab ayaa dhowr madfac oo la sheegay iney Hoobiyeyaal ahaayeen ku garaacay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

5- January 11, 2018, Qarax lagu cabeenaayay Gaari raaxo ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in Gaarigaasi lagu fulin lahaa weerar  Ismiidaamin ah.

6-January 14, 2018, Ciidamo ka tirsan dowlada oo la socday Gaari ciidan ayaa lagu Qarxiyay nawaaxiga Haanta Dheer ee Degmada Dayniile, Qaraxaasi oo loo adeegsaday miino.

7- January 16, 2018, Qarax Miino ayaa ka dhacay agagaarka Saldhigga Xaafada Xararyaale ee degmada Wartanabadda ee Magaalada Muqdisho, kaa oo lala eegtay Gaari uu la socday Taliyaha Saldhiga Degmada Dayniile.

8- January 21, 2018, Qarax miino ayaa waxa uu ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Jaamacadda Gaheyr waxaana lala eegtay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda.

9-January 23, 2018, Qarax khasaare geystay ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Tareedisho, kaa oo lala eegtay Gaari Cabdi Bile ahaa oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Militeriga, waxaana loo adeegsaday Miino nooca dhulka lagu aaso.

10- January 25, 2018, Qarax miino ayaa ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, waxaana la dhigay Guri ku yaalla dhabarka danbe ee Isbitaal Digfeer, iyadoo uu ku dhaawacmay hal ruux.

11-January, 27, 2018, Ciidamo ka tirsan dowlada ayaa Qarax Miino lagula eegtay Isgoyska Fagax, degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaana la xaqiijiyay in 5 qof oo isugu jira Shacab iyo Askar ayaa ku dhaawacmeen.

Qaraxyada Bishaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa aad uga badan kuwii dhacay bishii hore, waxaana loo sababeynayaa in Qaraxyada ugu badan ay ahaayeen Miinooyinka rimuudka leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here