DEG DEG-Ciidankii Ugu Badnaa Oo Garoowe Dhaafay Gaareyna Tukaraq iyo Dagaalkii Sool….

0

Saacadihii ugu dambeeyey deegaamada Puntland waxaa siweyn looga hadalhayey xiisadda deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo qorshayaasha ay xukuumadda madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Ku Waajahayso dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaray ayaa sheegaya in la isku afgartay qorshaha dagaalka Soomaaliland lagaga xoraynayo gobolka Sool oo siweyn xukuumaddu ay uga tabaabushaysatay islamarkaana ay maalmihii ugu dambeeyey beesha caalamka iyo dalabka dalalka deriska ah uga caga jiideysey maadamaa la doonayey in Soomaaliland dib ugu laabato hanaan nabadeed.

Ciidankii ugu badnaa oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa dowladda Puntland ilaa xalay ku dartay ciidankeeda ku sugan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Isha – Puntland.ca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here