Deg deg: Madaxweynaha Puntland oo ka dhoofay Garowe

0

Garowe (Jamhuuriyada Online) -Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/Wali Gaas ayaa lagu soo warramayaa inuu galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa qaaday diyaarad qaas ah waxana uu safar ugu soo amba baxay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Madaxweyne Gaas ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb galaya shirka amniga qaranka oo ay yeelanayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Muqdisho.

Safarka Gaas ayaa imnaaya xilli ay jiraan xiisado dagaal oo u dhexeeya maamulka Puntland iyo kan Somaliland kadib markii ay ciidamada Somaliland dhawaan qabsadeen deegaanka Tukaraq iyadoo sidoo kale ciidamada Somaliland ay maanta qabsadeen deegaanka Boocame ee gobolka Sool oo 60 KM u jira caasimadda Puntland ee Garowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here