Dowladda oo dib u eegis ku sameyneysa heshiiska Shirkadda Sahal

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe dib u eegis loogu sameynayo shaqada iyo heshiiskii Dowladda ay la gashay shirkadda Sahal, taas oo qaabilsan Gaadiidka dadka geeya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Oomaar) ayaa maanta tagay xarunta shirkadda, wuxuuna Madaxda shirkadda la galay heshiis dib u eegis loogu sameynayo midkii hore ee Dowladdu ay la gashay.

Wasiir (Oomaar) ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay shirkadda iyo sida loo sugayo amniga dadka ka dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sheegay in si Dowladda iyo shacabkaba ay faa’ido u helaan shaqada shirkaddan ay qabato in lagula xisaabtami doono, heshiiskeedana dib u eegis lagu sameyn doono.

“Shirkaddani waa shirkadda Garoonka ka soo qaada rakaabka, ku celisana iyada oo amni awgeed loo sameeyay, marka rakaabka ka soo dego Garoonka ilaa magaalada ayay keentaa, waxaan shirkaddani ku heshiinay in heshiiskii horey ay u gashay inaan dib u eegis ku sameyno, iyada oo labada dhinacba laga fiirinayo in ay ka faa’ideystaan.” Ayuu yiri Wasiir (Oomaar).

Ugu dambeyntii Wasiir Oomaar ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu la kulmay dad Naafo ah oo shirkadda ay shaqaaleysiisay, taasi oo ah mid dhiiragelineysa dadka baahiyaha gaarka ah qaba, in ay wax qabsan karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here