Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Jamhuuriyada Online) – Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo Garowe galabta ay kasoo qaaday diyaarad qaas ah ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhoweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan labada gole ee dowladda.

Madaxweyne Gaas ayaa Muqdisho uga qeyb galaya shirka amniga qaranka ee ay yeelanayaan dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada.

Shirka amniga qaranka ayaa waxa uu socon doonaa ilaa laba maalin sida uu sheegay madaxweyne Gaas oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garowe kahor inta uusan kasoo kicitamin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here