WAR DEG DEG AH:- Maxaa Ka Soo Baxay Kulan Dhex Maray MD Gaas Iyo Guddiga Difaac PL ? M/weyne Gaas Oo Goordhow Baxaya

0

Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo saacadihii la soo dhaafay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowladda Puntland, ay ku lahaayeen Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Guddiga difaaca ee Dowladda Puntland.

Kulamada oo qaatay Muddo Saacado ah ayaa Si weyn loogu gorfeeyay Arrimaha ka socda Deegaanka Tukaraq ee Gobalka Sool iyo Tilaabada Adag ee lagama maarmaanka ah in ay Dowladda Puntland ka bixiso duulaanka Qorsheysnaa ee ay somaliland kula wareegtay Tukaraq.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Guddiga Difaaca Puntland oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka Eng. Camey ayaa Isla gartay in Duulaanka Qorshaysan ee Somaliland ku qabsatay Tukaraq in looga jawaabo si Khidadeysan, sidoo kalena laga fiirsado Jawaabta Adag ee Puntland ka bixinayso.

Gaas iyo Guddiga ayaa isla Qiray in Difaaca Dhulka Puntland uu Yahay Mid Muqadas ah, oo aan marnaba looga Hibaysanayn Cidna, waxaana ay Isla Meel-dhigeen in Duulaankii Somaliland ku qabsatay Tukaraq in uu yahay mid u ah Fursad wanaagsan Xukuumadda Madaxweyne Gaas oo in Mudda ah ku taameysay ka dhabeynta Balanqaadkii ahaa “Laas-caano Faataxo Laguma Qabsan, faataxana laguma Soo Celinayo”.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Wefti uu Hogaaminayo ayaa Saacadaha Soo Socda ku Wajahan Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka, halkaasi oo ay uga qeyb galayaan Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada.

Isha – Puntlandi.ca

Leave a Reply