War Deg deg ah: Xildhibaan Axmed Taajir oo goor dhow Xabsiga laga sii daayay

0

Kismaayo (Jamhuuriyada Online) – War deg deg ah oo goor dhow nagasoo garay magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegayaa in goor dhoweyd xabsiga lagasii daayay Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan “Taajir” oo maamlmo kahor ay xireen ciidamada Jubbaland.

Xildhibaanka oo xirnaa 5 maalmood ayaa goor dhow dib loogu celiyay xoriyadiisa iyadoo sii deyntiisa ay imaaneyso saacado kadib markii uu ku baaqay safiirka Ingiriiska ee Somalia in xildhibaankaas xoriyadiisa dib loogu celiyo.

Xiisad ka dhalatay xariga xildhibaanka ayaa maalmahan ka taagneyd magaalada Kismaayo iyadoo maanta ay sidoo kale ciidamo taabacsan xildhibaanka ay xireen qaar kamid ah wadooyinka Kismaayo.

Barlamaanka Jubbaland ayaa dhawaan xasaanadda ka qaaday xildhibaan Axmed Taajir kadib markii lagu eedeeyay inuu abaabulayay mooshin ka dhan xukuumadda Axmed Madoobe, waxana madaxweyanah Jubbaland markii xasaanadda laga qaaday xildhibaanka uu amray in xabsiga loo taxaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here