Macalin Iskuul oo lagu toogtay magaalada Muqdisho

0

Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa la sheegayaa in aroornimadii hore ee saakay ay dilka geysteen Gudaha degmada Dharkeynley ee gobolka banaadir.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in Shaqsiga la dilay uu ahaa Macalin Iskuul balse aysan ogeyn sababta loo dilay iyo Shaqooyin kale uu qaban jiray.

Xiliga dilka uu dhacayay ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday Goobtiisa Shaqo,balse markii dambe la toogtay iyadoo kooxdii dilka geysatay ay baxsatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay wallow aysan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Leave a Reply