Ogaadenization mise Federalization; Axmed Madoobe Halkee Buu U Wadaa?

0

Sida sharciga Federaalku yahay cahdiyada kale ee Soomaalidu wada gashay ku taalla, maamulka Jubbaland waxaa uu ka dhexeeyaa ku dhowaad 10-reerrood oo mid kasta kimiskooda ka helay, waa lagu kala badan yahay, se la iskuma ixtiraamin middaas, oo sida loo kala awood iyo xulufeysi badan yahay ayaa lagu ekaammay sheekada.

Mareexaan, Shiikhaal, Harti, Gaaljecel la raaciyay Biyamaal iyo Ogaadeen waa kuwa ugu tunka iyo tirada badan deegaannada maamulkaas, haka reebin reerraha Baajuunta iyo dirta kale eek u dhaqan deegaannadaas.

Ka dib burburkii Maxaakiimta iyo shaati beddelashadii Axmed Madoobe, waxaa is baddalay qaabkii awood qeybsiga, Ex wadaad Axmed mAdoobe oo wehelsanaya Kenya oo dana gooni ah ku wadata siyaasaddiisa ku dhisan “Hoo! Ee Meesha Igu Haay!!” ayaa bilaabay qaab cusub oo gunnimo ku dheehan tahay, haa. Gunnimo ku dheehan tahay, maxaa yeelay qaar kamid ah dadkii kula soo halgamay dib u hanashada Kismaayo ayuu albaabbada ka xirtay, isagoo ku diidaya igu heyb ma tihid iyo kuma maammuli karo.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa uu bilaabay Axmed ugaarsi iyo Ogaadeyneyn is og, Haa. Ogaadeen waa reer Soomaaliyeed oo kamid ah kuwa dega Jubbaland, Kismaayo se looga tiro iyo teendho badan yahay, xaqna u leh in ay maamulka wax ka helaan, se waxaa mamnuuc ah in maamulka magaciisa la baddalo si aan toos ahayn.

Ujeeddooyinka Axmed Madoobe ee  uu ka damacsan yahay Jubbaland waxaa kamid ah in ay noqoto sida dhulka Soomaalida Ethiopia oo ah, dhul loo wada siman yahay Ogaadeen iyo qowmiyadaha kale ee Soomaalida, kaas oo ugu dambeyn keentay in magaca Ogadenia loo huwo, iyadoo tiro ahaan dadka kale iyo Ogaadenta ay siman yihiin.

Waxa uu kuxigeenno ka dhigtay, dad isaga uu ka dhex hadlo, oo aan aragti iyo midna ku raacsaneyn dadka uu maammulo.

Tusaalle Luga Dheerre, waa mid kamid ah kuxigeennadiisa, abtiyaal ayeey u yihiin Ogaden, gabadha uu qabana waa Harti, se ma oga in uu Hawiye Shiikhaal matalo, dadka qaar ayaa ku eedeeya Luga dheerre in uu yahay qof aan ka war qabin heybta uu matalo xitaa, taas oo aysan raalli ka ahayn reerkiisa.

Axmed Waxaa u xigtay in uu beegsado cid kasta oo Kismaayo keenta aragti ganacsi iyo mid kaleba haddii uusan ahayn Ogaaden, oo dhowr jeer oo horey ayaa loo dilay dad hal abuurro ganacsi lahaa oo magaalada yimid, sidoo kale waxaa laga mamnuucay xildhibaannada uu u arko in ay mucaarad ku yihiin, kuwaas oo ku jira golaha baarlamaanka, xildhibaan kasta oo kamid ah golaha baarlamaanka Jubbaland haddii uu mucaarado Axmed Madoobe, xasaannadiisa ayuu waayaa, oo dhowr xildhibaan ayaa xasaannadooda iyo xilkooda ku waayay sidaas, qaarna naftooda ayaaba halis u gashay.

Waxaa xigtay in todobaadkan uu waraaqo ka dhigay Airport ka xildhibaanno iyo siyaasiyiin, uu ku tuhunsan yahay in ay kasoo horjeedaan aragtidiisa ku dhisan Ogaaden noqon ama Iska aamus!! Taas oo aan cid kasta u cuntamin.

Ciyaaraha iyo qabiileysiga Axmed, 75% kiiba ciyaartooydii loo xulay xulka Jubbaland waxa ay ahaayeen Ogaaden iyo reerraha u kaba qaada, magaalada waxaa ka socda boob dhul oo ay sameynayaan Ogaadeen badan oo hadda magaalada kusoo aruurray.

Muuqaal ayaa laga hayaa luga dheerre oo leh, dhulka waxaa iskaleh ninkii usoo halgama, oo ay kala jeedaan Ogaadeen, haddii aan halgankaas oggolaanno Kenya ayaa ka caawisay oo usoo halgantay ee iyada aan siinno.

Ogaadeen badan ayaa dhanka Kenya kasoo galay, halka kuwa kale oo reer Cabdullena ay kasoo yaaceen dhankaas iyo iimeey illaa Godeey Gacallo, si ay kaga faa’iideystaan gumeysiga Axmed uu ka wada maamulka Jubbaland.

Guud ahaan marka aan isku soo wada duubno maamulka Jubbaland kama socdo Federalization ama federaaleyn, ee waxaa ka socda Ogaadenization ama in laga dhigayo maamul Ogaadeyn leeyahay, iyadoo aan og nahay in reerkaas ay ka yihiin in ka yar 20%kiiba dadka ku nool Jubbaland.

W/Q: Cabdiwahaab Axmed

C.wahaabyare@gmail.com

Leave a Reply