WAR DEG DEG AH: Xildhibaan Axmed Taajir oo ku dhaqaaqay tallaabo aan la fileyn

0

Xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ahaa xildhibaanada Jubbaland maalmahaana ku xirnaa Magaalada kismaayo ayaa ugu dmbeyn sheegay in uu iska casilay xubintii xildhibaanimo.

Shir Jaraa’id uu qabtay ayuu sheegay in uu Maanta wixii ka dambeeya uu ka tanaasulay Xubintii Xildhibaanimo ee uga mid ahaa Baarlamaanka Jubbaland.

“Waxaa rabaa in aan cadeeyo Maanta in aan iska casilay Xubintii xildhibaanimo ee aan ku metelayay dadka dega degmada Afmadoow ee G/Jubbada Hoose kadib markii aan arkay kala aragti duwanaansho soo noq noqatay iyo xarigii leygu geystay kismaayo in aan u tanaasulay Shacabka Jubbaland ayuu yiri Axmed Taajir”

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in uu ka Shaqeyn doono waxkasta oo horumarin kara deegaanad Jubbaland gaar ahaan deegaanka aan ka soo jeedo ee Magaalada Afmadoow.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa Maalmahaan waxaa ka taagneyd xiisad ka dhalatay xariga Xildhibaan Axmed Taajir,iyada oo maleeshiyaad taageersanaa ay xirteen Xaafado ka mid ah Magaalada Kismaayo wallow markii dambe lasii daayay.

Leave a Reply