Wasiiro kasoo Jeeda Hal Beel oo ka Baxay Shirkii Golaha Wasiirada DF ee Khamiistii (Sababta)

0

Muqdisho (Jamhuuriyada Online) – Beesha Direed ayaa halgan adag ugu jirta sidii ay u heli lahayd mid kamid ah xilalka taliyeyaasha booliiska ama Nabadsugidda Somalia.

Xildhibaano kasoo jeeda beeshaas oo gaaraya ilaa 50 ayaa la kulmay madaxweyne Farmaajo waxayna u sheegeen inay u baahanyihiin in la siiyo xilalka taliyaha NISA ama booliiska midkood.

Waxa ay madaxweyne Farmaajo u sheegeen inay lamid yihiin beelaha 4-ta ah isla markaana ay xaq u leeyihiin in la siiyo xilka taliyaha booliiska ama Nabadsugidda.

Xildhibaanada la kulmay madaxweynaha ayaa dhammaantood ku mideysnaa in xilkaas loogu magacaabo Jeneral Cabdala Cabadala oo iminka kamid ah saraakiisha hay’adda Nabadsugidda Somalia, inkastoo madaxweyne Farmaajo xildhibaanada la kulmay uusan wax jawaab ah oo diidmo ama aqbalaad cad ah uusan siin.

Xog aan helnay ayaa waxa ay sheegeysaa in kulankii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada Somalia, ay yeesheen Khamiistii lasoo dhaafay ay isaga bexeen wasiirada kasoo jeeda beesha Direed kulankaas oo la doonayay in lagu horkeeno shaqsiyaadkii loo magacaabi lahaa taliyeyaasha Nabadsugidda iyo booliiska xilli lawada sugayay in khamiistii lagu dhawaaqo xilalkaas.

Beesha Direed ayaa la sheegay in loo balan qaaday xilalka laba taliye ku xigeen oo kala ah laba ciidan balse ay k biyo diideen arrintaas oo ay si weyn uga caroodeen wasiirada beeshaas waxayna dhalisay in wasiiradii kasoo jeeday beeshaas ay isaga baxaan kulankii golaha wasiirada oo khamiistii kusoo idlaaday buuq iyadoo ay baaqatay magacaabistii la filayay ee taliyeyaasha Nabadsugidda iyo Booliiska.
Si kastaba, waxay u muuqataa in dowladda federaalka gaar ahaan madaxweynaha Somalia oo go’aankaas iskaleh uusan taliye ciidan siin doonin beeshaas.

Marka la eego in dowladda federaalka ay qancin weyso beesha Direed waxay ku keeni kartaa dhibaato xoogan maadaama beeshaas ay xildhibaano badan ku leedahay baarlamaanka waxay sababi kartaa in xildhibaanada beeshaas ay ku biiraan kuwa mucaaradka ah xilli la filayo in mooshin laga keeno madaxda saree ee dowladda markuu dib u furmo kalfadhiga baarlamaanka federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here