ONLF oo Warkii ugu cuslaa kasoo saartay Jawaabta Farmaajo ee Dhiibistii Qalbi Dhagax

0

Afhayeenka Jabhadda ONLF C/qaadir Xasan Hirmooge oo ka hadlay jawaabta Farmaajo ee dhiibista mawaadin Qalbi Dhagax ayaa mas’uuliyad daro  iyo qiyaano qaran ku tilmaamay jawaabtii madaxweyne Farmaajo uu ka bixiyay dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo Dowladiis ay u gacan galisay Itoobiya.

Afhayeenka ONLF oo la hadlay Radio Simba, ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu baalmaray in uu qirto danbiga uu dadka iyo dalka ka galay ee ah in Muwaadin uu u gacan galiyey Shisheeye wuxuuna tilmaamay Farmaajo la haa go’aankii lagu dhiibay qalbi-dhagax.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu sheegay in uu yahay madaxweynihii ugu horeeyey ee shisheeye u gacan galiya Muwaadin Soomaaliyeed.

Dhankale Afhayeen Hirmoog ayaa Ciidanka Nabad sugida ku eedeeyey inay magaalada muqdisho ka cayriyeen Xaasaskii iyo Caruurtii Generaal Qalbi-dhagax kadib markii ay dhowr jeer u dhaceen guryadooda.

Madaxweyne Farmaajo uu u dabaal dagay  sanad guuradiisi koobaan ee inta uu  talada dalka hayo ayaa dalka oo idil waxaa laga dareemayaa in bulshada Soomaaliyeed ay wali ka tiiraanyeysan yihiin dhiibistii C/kariim Sheekh muuse oo ka mid ahaan jiray Saraakiishii Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed guutooyinka ka dagaal galay 1977-dhulka Soomaaliya ee Itoobiya maamusho.

Leave a Reply