Meydadka tiro kamid ah dagaalyahanada Al-Shabaab oo la helay

0

Wajeer (Jamhuuriyada Online) – Booliiska Kenya ayaa xaqiijiyay in ay heleen meydadka 3 dagaalyahano Shabaab ah kadib weerar fashilmay oo ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada booliiska Kenya ku leeyihiin degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

Taliyaha ciidamada booliiska Wajeer Stephen Ngetich, ayaa sheegay in sadexda meyd la helay kadib markii mitidiinta ay weerareen saldhig ay ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ku leeyihiin Kutulo deegaanka lagu magacaabo habeenkii khamiista ahayd taasoo sababtay dagaal socday ku dhawaad 2 saacadood kaasoo ababay in dagaalmayaasha ay dib u gurtaan.

“Sadex kamid ah waala dilay, waxaan wali u dhownahay xuduudka oo aan ka wadno roondooyin si aan u aragno hadii ay jiraan tiro intaas ka badan” ayuu yiri Ngetich.

Booliiska ayaa waxa ay aaminsanyihiin in dagaalyahanada weerarada ka geystay gobolka Waqooyi dhawaanahan ay u muuqdaan kuwo ka tagay Mandera oo aaday Wajir halkaas oo ay weeraro joogta ah ka geysanayeen bilihii dhawaa.

Waxay bartilmaameedsanayeen anteenooyinka isgaarsiinta iyagoo si isdaba joog ah ugu bur buriyay Wajeer,muddo ka yar bilood ayaa la weeraray ilaa 5 anteeno oo ah kuwa isgaarsiinta.

 

Leave a Reply