WAR DEG DEG AH: Toogasho goor dhow ka dhacday magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa duhurnimadii maanta dilka ka geystay qeybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay isgooyska Sanca ee magaalada Muqdisho waxana loo geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo isgooyska ku sugnaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ku waramay in askariga uu kamid ahaa ciidamada ammaanka ee ku sugnaa isgoyska isla markaana ay dableyda si gaadmo ah ku dileen.

Askariga ayaa waxa ay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka isagoo isla goobta ku geeriyooday waxana goobta ka baxsaday dableeydii toogashada fulisay.

Ciidamada dowladda Somalia oo dilka kadib goobta gaaray ayaa halkaas ka sameeyay baaritaano inkastoo ay cidna u soo qaban dilka askariga.

Leave a Reply