WAR DEG DEG AH: Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Geystay Oo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

0

Weerar loo adeegsaday Bambaanooyinka Gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Xaafada zeybiyaano ee degmada Hodan.

Weerarkaan Bambaano ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Dad Shacab ah oo ku sugnaa Fariisinka Ciidamada dowladda ee weerarka bambaano lagu qaaday.

Goobjooge ku sugnaa goobta ayaa wax uu u sheegay in Goob ay ku sugnayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo ka agdhaw Suuqa Caanaha lagu gado ee Zeybiyaano,weerarkaas bambaano kadibna ay Ciidamadu rasaas fureen.

Waxa uu sheegay in weerarkaas bambaano uu ku geeriyooday nin darawal bajaajle ahaa kaas oo u geeriyooday rasaas ay fureen Ciidamadii bamka lagu weeraray balse uusan sheegin khasaaraha ay geysatay bambada.

Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan oo sideedii hore ku soo laabatay.

Leave a Reply