Yariisow oo dhallinyaradii uu shaqada ka ceyriyay qaarkood kubeel noqdeen shaqadana kusoo celiyay

0

Muqdisho (Jamhuuriyada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir En: Yariisow ayaa ku dhaqaaqay fal aad u fool xun oo aad loola yaabay kadib markii shaqada uu ka ceyriyay dhallinyaro ka tirsaneyd shaqaalaha gobolka Banaadir.

Dhallinyarada uu shaqada ka ceyriyay gudoomiye Yariisow ayaa gaaraya ilaa 70 dhallinyaro ah kuwaas oo kamid ahaa dhallinyaradii uu shaqaaleysiiyay gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Gudoomiye Yariisow oo u muuqda shaqsi aanan la maqashiin karin waxqabadkii gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Taabit ayaa caro uu Taabit u qabo shaqadii uga eryay dhallinyaradii uu shaqaaleysiiyay Taabit ee ka kamid ahaa shaqaalaha gobolka banaadir.

Ilo wareedyo muhiim ayaa Jamhuuriyada Online, u xaqiijiyay in Yariisow dhallinyaradii shaqada uu ka eryay qaarkood dib loo soo celiyay kadib markii ay ku beel noqdeen isaga waxana xarunta gobolka Banaadir ku booqday qaar kamid ah Odayaal ku beel ah isaga oo ka careysnaa falkii uu kula kacay dhalinyaro beeshiisa kasoo jeeday isagoona raali galin ka bixiyay shaqa ka ceyrinta uu ku sameeyay dhallinyaro isaga ku beel ahayd waxana uu tilmaamay in arrintaas ay ku dhacday aqoon la’aan.

Marka laga soo tago in gudoomiye Yariisow uu shaqada dib ugu soo celiyay tiro kamid ah 70 dhallinyaro ah uu shaqada ka ceyriyay oo isaga ku beel noqday waxaa jirin cid gacan siisay dhallinyarada kale ee aan ku beesha noqon isaga ee uu sida xaqdarada ah shaqada uga ceyriyay.

Falkaan uu ku dhaqaaqay gudoomiye Yariisow ayaa noqonaya mid aad u fool oo uusan ku kicin shaqsi masuul ah waxayna dad badan isweydiinayaan sababta ku kaliftay in shaqsi dhan oo hogaan u ah maamulka gobolka Banaadir uu ku dhaqaaqo fal noocan oo kale.

Yariisow ayaa iminka u muuqda shaqsi nacaybuu u qabo shaqsi kale ku bur buriyay rajadii dhallinyaro Somaliyed oo uu fursad siiyay maamul isaga ka horeeyay oo uu hogaan u ahaa shaqsi wanaagsan oo u damqaday kuwa taabaaleysan.

Leave a Reply