Wajiga koowaad wadahadaladii u dhexeyay Itoobiya iyo ONLF oo guleystay & DF oo waji gabax la kulantay

0

Nairobi (Jamhuuriyada Online) – Wareega koowaad ee wada hadladda soconaya 3 maalin ee u dhexeeya masuuliyiinta Itoobiya iyo kuwa jabhadda xoreynta Somali Galbeed ee ONLF ayaa si guul leh ku bilaawady.

Wadahadallada ayaa ka socda goob qarsoodi ah oo ka tirsan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya iyadoo ergada labada dhinac uu wadahadalka u bilaawday Sabtidii waxana wadahadalka fududeeyay dowladda Kenya.

Afhayeenka ONLF Cabdulqaadir Xassan Hirmooge, ayaa VOA u xaqiijiyay in wadahadallada ay bilaabmeen.

Hirmooge waxa uu sheegay in dhinac walba uu soo dirsaday ergo ka kooban 4 xubnood waxana dhinaca ONLF hogaaminaya xoghayaha arrimaha dibedda Abdirahman Mahdi.

Ma cadda cida hogaamineysa ergada Itoobiya ka socta balse waxaa sawirro laga soo qaaday xubnaha ergada ka muuqday madaxweynaha dowlad deegaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar oo loo maleeynayo inuu hogaaminayo ergada dhinaca Itoobiya.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa xaqiijiyay in wajiga koowaad ee wadahadallada ay noqdeen kuwo guul kusoo dhammaaday.

Dhinaca kale dowladda federaalka Somalia ayaa isku dayday inay masuuliyiin ka qeyb gala wadahadallada u dirto dalka Kenya balse arrintaas ayaa fashil kusoo dhamamatay.

Wadahadalladan ay ku heshiinayaan dowladda Itoobiya iyo ONLF ayaa qorshuhu yahay in sidoo kale lagu soo daayo mawaadinka Somaliyed Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo dowladda Somalia ay u gacan galisay Itoobiya iyadoo shalay ku tilmaamtay argagixiso.

Qorshaha fashilmay ee dowladda Farmaajo ay ka lahayd ka qeyb galka wadahadalka ONLF iyo Itoobiya oo meel wanaagsan hadda maraya ayaa ahaa sidii ay ugu faani lahayd in marka Qalbi Dhagax lasoo daayo inay ka qeyb qaadatay soo deyntiisa isla markaana ay shacabka uga dhaadhicin lahayd.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in dowlada Itoobiya ay u sheegtay madaxda dowladda federaalka in shirkaan uu yahay midaan waxba ka quseyn isla markaana aysan u furneyn wado ay uga soo qeyb gasho.

Leave a Reply