Buuq Hareeyay Dhismaha Dekedda Hobyo & Shaqsiyaad caan ah oo qorshe Halis ah damacsan

0

Muqdisho (Jamhuuriyada Online) – Raggii horey loogu eedeeyay Burburinta Maamulka Galmudug oo ay ugu caansan yihiin Wasiiru Dawlaha Hawlaha Guud Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) Xildhibaan Xuseen iidow, Cumar Saneey, iyo Liibaan Shuluq ayaa haatan bilaabay inay is hortaag ku sameeyaan Dhismaha Dekada Hobyo iyaga oo garab ka helaya RW Xasan Cali Kheyre.

Qoraalka oo dheer Ayaan idiin soo gudbinayaa dhamaan Sheekada Ku saabsan Khilaafka laga abuuray Dhismaha Dekada Hobyo waxayna ka bilaabay sidatan.

Cumar Saneey oo ah Wakiilka Shirkada Diyaaradaha ee East Africa Wakiilkeeda Soomaaliya Balse Fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayna Saaxiib dhaw yihiin RW Xasan Kheyre ayaa waxa uu isaga oo Dalaal ka ah shirkad Shiine laga leeyahay uu keenay Magaalada Muqdisho, wuxuuna qorshihiisa la kaashaday RW Kheyre isagoo ka dhaadhacsiiyey in Shirkadan isagu wato loo fududeeyo inay Bilowdo Qorshaha Sahminta Dekada Hobyo, intaa kadib RW Kheyre waxa uu ku amray Wasiirka Qorshaynta Jamaal inuu hawshan kala shaqeeyo Cumar Saneey sidii loo hirgelin lahaa.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Wasiir Jamaal, Wasiiru Dawle Axmed Qoorqoor, Cumar Saneey iyo Wakiilada Shirkada Shiinaha ayaa lagu heshiiyey in arinta Dhismaha Dekada Laga dhigo Hawl ay qabanayso Dawladda Federalka Soomaaliya oo kaalintii Galmudug Meesha laga Saaro.

Waxaa la qorsheeyey Safar lagu tagao Hobyo si Wakiilada Shirkada Shiinaha loo soo tuso Magaalada Hobyo, laakiin waxaa la is weydiiyey Madaxweyne Xaaf oo aan ogayn Safarkan side lagu tagi karaa halkaa, waxaa loo tagay Senotar Cabdi Qaybdiid oo ay ku tuhmayaan in uu Xiiso gaar ah u hayo Dhismaha Dekada Hobyo laakiin Markii la yiri waad na raacaysaa si shirkada halkaa loo geeyo ayuu Weydiiyey in Madaxweyne Xaaf uu arintan la socdo balse waxa ay ku jawaabeen in Isaga Cabdi Qaybdiid ah uu ka dhaadhiciyo Qorshaha ay Wataan.

Cabdi Qaybdiid waxaa uu kulan la qaatay Madaxweyne Xaaf isagoo ka dalbanaya in Shirkad Shiinees ah oo dhisaysa Dekada Hobyo uu ogolaado kana qayb qaato sidii Shirkadaa iyo Ragga hawsha wata loo dhiiri geliyo, Madaxweyne Xaaf Kama diidin qorshaha ay wateen Kooxda Cumar Saneey Hor kacayey.

Waxaa la soo kireeyey Diyaarad hasa yeeshee Madaxweyne Xaaf ma raacin isaga oo arkaa ku kalsoonaa Ragga Masuuliyiinta ah ee uu ka mid yahay Cabdi Qaybdiid iyo Wasiir Axmed Qoorqoor.

Markii laga soo laabtay Hobyo Kooxda Cumar Saneey waa sidii ay rabeene waxa ay qoreen warqad heshiis ah oo ay kala saxiixanayaan Dawaladda Federalka Somaliya iyo Shirkadaasi waxaana labada Dhinac ay warqadaasi ku qoreen Hotel ku yaala Xalane oo ay degan yihiin Wakiilada Shirkada.
Inta aanan u gudbin Cidda la doonayo in dhanka Dawladda ay u Saxiixdo Heshiiskaasi aan dhawr Qodob Dul Maro heshiiska la qortay.

1- In Sanad kadib ay Shirakada Shiinaha Samayso Sahanka Dekada ee Biyaha Badda lagu ogaanayo Ciida Ku jirta.

2- In la dhiso Dekad Dhererkeedu yahay 100 Mitir oo keliya

3- In Qarashka Lacagta Sahanka Badda lagu qiimeeyey 500 kun oo Dollar.

Iyo Qodobo kale oo aad ku arki doontaan Marka aan warqada Heshiiska ay qorteen aan idiin soo gudbiyo.

Lacagta Sahanka Sida aan Xogta ku hayo 200 kun Dollar Waxaa la siinayaa Shirkada, inta ka soo hartayna waxaa Dalaal ahaan u qaadanaya Kooxda Cumar Saneey,
Waxaana la hubaa in Sahanka Badda Gunteeda loo quusayo uusan ka badnaan karin Shan Saac in lagu ogaado Gunta Badda.

Markii la diyaariyey Warqada Heshiiska oo aysan Waxba ka ogayn Cabdi Qaybdiid iyo Madaxweyne Xaaf waxaa loola tagay RW Kheyre hasa yeeshee Waxa uu u sheegay in Warqada uu Saxiixayo RW ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) uuna kala hadlayo ayna u tagaan Maanta si uu ugu Saxiixo.

Kooxdii Axmed Qoorqoor iyo Cumar Saneey waxa ay RW ku xigeenka u tageen Maalintii Khamiistii Xilli Duhur ah waxaan isla Maalintaa baxaya Wakiilada Shirkada Shiinaha Xilliga Muqdisho Marka uu ku beegnaa 3:00 Galabnimo si ay u sii qaataan Warqada Heshiiska oo Saxiixan.

Markii loo geeyey RW ku xigeenka Mahdi Warqadii waxa uu Teleefanka ka waxay Madaxweyne Xaaf isagoo Weydiiyey inuu wax ka og yahay Warqada uu doonayo inuu Saxiixo balse Madaxweyne Xaaf ayaa ugu jawaabay inuusan waxba ka ogayn taasina waxa ay keentay in RW kuxigeenka Mahdi uu joojiyo Saxiixa Warqada.

Hawli markii ay halkaa Marayso oo Wakiilada Shirkadda Shiinaha Bixitaankoodu uu ka dhiman yahay ugu badnaan 3 Saacadood ayuu Axmed Qoorqoor si deg deg ah u wacay Cabdi Qaybdiid isagoo ku yiri in Axmed Ducaale Xaaf uu hor taagan yahay Dhisamaha Dekada Hobyo Sababtana uu ugu sheegay inuu Diiday in la saxiixo Warqada Heshiiska.

Senotor Cabdi Qaybdiid oo ay hayso Xamaasad ku aadan Dhismaha Dekada Hobyo ayaa isagoo aan dheg la qabto lahayn u yimid Xaaf kana Codsaday in uu fasaxo Saxiixa Warqada balse Su’aasha la weydiiyey Cabdi Qaybdiid ayaa noqotay Warqada Heshiiska ma aragtay mase og tahay Cidda qoratay iyo Waxa ku qoran wuxuuna ku jawaabay Ma arkin,

Isla waqtigii Cabdi Qaybdiid Kooxdii Dalaaliinta ahayd ee la dhuumanaysay Qorshahooda ayuu ka dalbaday in inta uu la joogo Xaaf in loo keeno Warqadaha Heshiiska, Markii la keenay oo la aqriyey Cabdi Qaybdiid Xitaa waa ku qanci waayey waxa ku qornaa warqada wuxuuna wacay Axmed Qoorqoor isagoo Weydiiyey waxa uu ka og yahay Warqada isagana waa inkiray isagoo ku jawaabay Warqada Weli ma arkin.

Intaa Dabadeed Wakiladii Shirkadda Shiinaha waa la fasaxay in ay baxaan oo loo soo diri doono Warqadaha Heshiiska.
Madaxweyne Xaaf iyo Senotor Cabdi Qaybdiid sida aan Xogta ku hayo waxa ay dib u Saxeen Heshiiska oo haddii ay raali ku noqdaan Shirkada Shiinaha la kala saxiixan doono.

Intaa kadib warqadii heshiiska ee la saxay waxaa loo gudbiyey Xafiiska RW oo la doonayey inuu saxiixo ay labadii Maalmood ee ugu dambaysay ay taalay, waxaana wararka ay xaqiijinayaan Kheyre uu meermeeriyey Saxiixa heshiiska isagoo sheegay inaan wax qarash ah loo hayn dhismaha Dekada Hobyo, taasoo ujeedad ugu weyn ay tahay in Kooxdii Cumar saneey iyo Axmed Qoorqoor ay ku war geliyeen RW Kheyre in qorshihii ay wateen gacantooda laga bixiyey oo haddii uu saxiixo aysan iyagu wax faa’iido gaar ah aysan ka helayn meeshana ay baxayso hawshii Dalaalnimo ee ay u socdeen.

Waxaa is weydiin leh markii ay Warqada Saaxiibada Kheyre ay wadeen waxa uu ogolaa in la ay Dawlada Federalka Saxiixdo maxay tahay sababta haatan uu diidan yahay saxiixa Heshiiska?

Dhinaca kale markii ay intaa dhacaday Kooxda Axmed Qoorqoor iyo Cumar Saneey waxa ay dhamaan intii danaynaysay Dhismaha Dekada Hobyo ay ka dhaadhacsiiyeen in Madaxweyne Xaaf uu diidan yahay Dhismaha Dekada Hobyo, warkaa oo Suuqa si xoog leh u galay oo la rumaystay.

Si kasta ha ahaatee Kooxdan waxa ay doonayaan in mar kale suuqa geliyaan in Maamulka Galmudug aan lala heshiin karin.

Dhinaca kale waxaan isku dayi doonaa haddii ay inoo suurta gasho inaan Wareysi la yeelano Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf Insha Allah.

Leave a Reply