War Deg deg ah: Laba Mas’uul oo ka tirsan Somaliland oo loo jeediyay Iscasilaad iyo Biixi oo…

0

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka h ee WADANI Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa marka hore ka hadlay aragtida ay ka qabaan Shirkad loogu Magac daray Soomaaliland oo laga aas-aasay Magaalada Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabta oo ay madax ka yihiin Wariirka Arrimaha dibada Soomaaliland iyo Safiirka Imaaraadka u fadhiya.

Waxa uu sheegay in Shirkadaan ay tahay tuugo sharciyeysan oo la doonayo in lagu dhaco Shacabka soomaaliland oo la daalaadhacayo sicir barar isla markaan ay u arkaan in ay tahay qiyaano Qaran sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay Gudoomiye  Cirro in masuuliyiintaas Madaxda ka ah shirkadaas ay iscasilaan hadii ay taas diidaana Madaxweyne Muuse Biixi laga doonayo in uu xilka ka qaado.

Sidoo kalena la doonayo in Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka ogyahay shirkadaas iyo in uu u wakiishay labadaasi Masuul.

Eedaha loo jeedinayo masuuliyiintaan ayaa soo ifbaxayay muddooyinkaan dambe iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada loo jeedinayo xukuumadda Somaliland ee ah inay xilka ka qaado masuuliyiintaas

Leave a Reply