DFS oo wali ciidamo ka qoraneysa Somaliland & Walaac laga muujiyay arrintaasi

0

Dowladda federaalka Somalia ayaa ciidamo ka qoraneyso deegaano kamid ah dhulka maamulka Somaliland.

Guddoomiyaha degmada Ceegaag oo ka tirsan gobolka Sarar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegayin ammaanka degmada uu soo wajahay qal qal kaga yimaaday dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay ciidamo ka qoraneyso gudaha degmada Ceegaag isla markaana ciidamadaas lagu daabulo gawaarida xamuulka isagoo tilmaamay in ciidmaada ilaa iyo hadda la qaaday ay tiradooda gaareyso 180.

Guddomiyaha ayaa sheegay in ciidmaadaas ay ku qul qulayaan qeybo kamid ah Buuhoodle oo ay dowladda federaalka u joogaan saraakiil ciidan oo ay halkaas u dirsatay sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Ceegaag ee gobolka Sarar.

Waxa uu xusay in arrintaas ay sababtay inaysan jirin wax ciidamo ah oo ka qarameysan degmada Ceegaag marka lagasoo taago tiro yar oo ciidamo booliis ah oo mushaar ka qaata degmada.

Ciidamada ayuu sheegay in la qaado habeen iyo maalin waxana uu tilmaamay in arrintaasi uu gaarsiiyay qaar kamid ah saraakiisha sar sare ciidmaada isla markaana inaysan jirin wax cad oo ay ka qabteen arrintaasi.

Waxa uu ku baaqay in arrintaas dad wax ka qabta loo soo diro si looga hortago in inta iminka diyaarsan ee aan la qaadin isla markaana ciidamadaas la doonayo in iminka la qaato halkooda lagu qarameeyo.

Gudoomiyaha degmada Ceegaag ayaa ka dalbaday Wasiirka arrimaha gudaha iyo Jananka guud ee ciidmaada Somaliland  in ay kasoo jawaabaan faragelinta wadata amni darrada iyo qalqalka lagu haayo.

Eeedeymaha loo jeedinayo dowladda federaalka Somalia ee ah in faragelin ay ka wado deegaano ka tirsan Somaliland ayaa ahaa kuwo cirka isku sii shareeyay waxayna dowladda federaalka Somalia oo gabaad ka dhiganeysa inay fulineyso mashaariic deegaano ka tirsan Somaliland ka bilaawday qorista ciidamo kamid noqonaya kuwo dowladda federaalka inkastoo dowladda lagu eedeeynayo in ciidmaadaas ay ku taageereyso Puntland oo iminka ay xiisad dagaal kala dhaxayso Somaliland.

Leave a Reply