Aqriso: Magaca Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ee lagu dilay Muqdisho

0

Xogo dheeraad ayaa kasoo baxaya dil loo magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia loogu geystay sarkaal ka tirsanaa milatariga Somalia.

Sarkaalka oo la sheegay inuu turjumaan u ahaa ciidamo cadaan ah ayaa lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxana baxsatay dableeydii dilka u geysatay sarkaalka.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dableyda dishay sarkaalka ay ahaayeen laba dhallinyaro ahaa kuwaas oo bistoolado ku hubeysnaa waxayna sarkaalka ka toogeen qeybaha sare ee jirka isagoo isla goobta ku geeriyooday.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Max’med Tima Jilac waxana dilkiisa sheegtay maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Warar lagu daabacay baraha taageera kooxda ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay iyadu ka dambeysay dilka sarkaalka waxayna sheegatay Al-Shabaab in sarkaalkan uu kamid ahaa tababarayaasha ciidamada melleteriga dowladda federaalka Somalia.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkaan kordhisay dilalka ay ka geysaneyso magaalada Muqdisho xilli ciidamada ammaanka ay ku guul dareysteen ka hortagidda iyo kadaba tagidda kooxaha dilalka ka geysanaya magaalada Muqdisho

Leave a Reply