Xog: Kheyre oo Xafiiska Wasaaradda arrimaha gudaha dib ugu soo celiyay Yaxye Cali Ibraahim

0

Warar hoose oo ay heshay Jamhuuriyada Online, ayaa xaqiijinaya inla joojiyay dhammaan  mashaariicdii wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia.

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Abdullahi Farah Wehilye uu joojiyay dhammaan mashaariicdii wasaaradda arrimaha gudaha.

Sidoo kale xafiiska Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa cadaadis iyo cagajugleyn ku haya xoghayaha cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdulaahi Maxamuud kadib markii uu Kheyre uu xafiiska wasaaradda dib ugu soo celiyay xoghayihii horey uu shaqada uga eryay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Cabdi Faarax Sacid Juxa ee lagu magacaabo Yaxye Cali Ibraahim.

Kheyre oo horey ay iskugu dheceen isaga iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Juxa kadib markii Juxa shaqada ka eryay Yaxye oo lagu helay Musuq maasuq iyo wax isdaba marin ayaa iminka doonaya in Yaxye uu halkii uu shaqada ka wado si sharci darro ah xilli uu joogo xafiiska Xogahayihii sida sharciga ah ku magacaabnaa ee Cabdullahi Maxamud xasan, waxayna arrintaan kamid falalka awood sheegashada ah ee Kheyre uu ku hayo qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda iyo wasaaradahooda.

 

Leave a Reply