WAR DEG DEG AH: Al-Shabaab oo ku dhawaad 30 ruux ka afduubtay Sh/Hoose

0

Wararka nagasoo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qeybo kamid ah gobolkaas ka afduubteen tiro dad ah.

Al-Shabaab ayaa dadkaan kasoo afduubtay deegaanada Mubaarak, Ugunji, Awdheegle iyo farsooley oo shalay ay la wareegeen ciidamada dowladda kadibna ay isaga soo bexeen.

Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in dadka ay Al-Shabaab afduubteen ay ahaayeen dadkii shalay deegaanada kala ah Mubaarak, Ugunji, Awdheegle iyo farsooley. kusoo dhoweeyay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa cadaan ah oo shalay deegaanadaas Al-Shabaab kala wareegay.

Tirada dadka ay afduubteen ayaa ku dhow 30 ruux oo isugu jira dhallinyaro iyo Odayaal waxana ka xeystay dagaalyahanno hubeysan oo dadkaan guryahooda ugu galay.

Cabsi weyn ayaa soo food saartay dadka kunool deegaanada kala Mubaarak, Ugunji, Awdheegle iyo farsooley oo ah deegaanada ay Shabaabka dadka ka afduubteen iyadoo qaarkood dadka ay afuubteen kahor inta aysan ka xeynin u sheegay inay yihiin dadkii hagayay ciidamadii dowladda iyo kuwa cadaanka ahaa ee shalay qabsaday deegaanadaas.

Leave a Reply