WAR DEG DEG AH: Ciidamo ka tirsan Dowladda oo caawa lagu weeraray Muqdisho

0

Kooxo hubeysan ayaa caawa weeerar ku qaaday fariisin ciidmaada dowladda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ka dhacay xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ayaa lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Warshaddii hore ee Barafuun oo ku taala Isgoyska Sos.

Dad goobjoogayaal ah oo kusugan xaafadda Suqa Xoolaha ayaa waxa ay sheegeen in dagaal culus oo socday ku dhawaad saacad uu dhex maray dableeydii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda ee lasoo weeraray.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka dhex dableyda weerartay saldhigga ciidanka oo la aaminsanyahay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ee la weeraray.

WAR DEG DEG AH: Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Geystay Oo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

Ciidamada dowladda ayaa iska caabiyay weerarka uga yimaaday dableyda iyadoo sidoo kale dhowr jeer oo hore weeraro kala duwan lagu qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Heliwaa.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Heliwaa ayaanan inta badan ka hadlin weerarada lagu qaado saldhigyada ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Heliwaa.

Dhowr jeer oo hore weerarro noocan oo kale ah oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada dowladda ee degmadaasi waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply