Deg deg: Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo goor dhow Muqdisho lagu Toogtay

0

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in sarkaal sare lagu dilay caasimadda Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidamada milatariga oo turjumaan u ahaa ciidamada cadaanka ee tababarada siiya ciidamada xooga soomaaliya ee lagu tababaro Warshadii Nac naca oo hada ah Xero ay degan yihiin Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Goobjooge ka ag dhawaa halka uu dilka ka dhacay ayaa Idaacada Simba u sheegay in dabley gaaraya ilaa laba ruux ay maanta dil u geysteen sarkaal katirsan ciidama Militariga soomaaliya oo kamid ahaa saraakiisha joogta warshadii nac naca oo ciidamo cadaan ah tababaro ku siiyaan ciidamo katirsan xooga soomaaliya.

Ragii dilka geystay ayaa la sheegay inay baxsadeen toogashada kadib waxana uu dilkaan qeyb ka yahay dilal maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

War Rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay iney ciidamo gaar ah oo shabaab katirsan ay muqdisho ku dileen oo kamid ahaa tababarayaasha ciidamada melleteriga dowladda soomaaliya, oo ay magaciisa ku sheegeen Max’med Tima Jilac laguna dilay gudaha degmada wadajir.

Leave a Reply