Sawirro: Meydka Nin si fool xun loo dilay oo laga helay magaalada Kismaayo

0

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in qeybo kamid ah magaalada laga helay meydka nin dhowr maalmood la’aa.

Allaha u naxariistee marxuumkaan oo magiciisa lagu sheegay Cali Nuur Axmed ayaa meydkiisa oo qeyb kamid ah la duugay laga helay qeybo kamid ah Kismaayo waxana la sheegay in ninkaan lala’aa muddo 5 maalmood ah kadib markii habeen saq dhexe lagala baxay hooygiisa oo ku yaalay magaalada Kismaayo.

Marxuumka ayaa la sheegay in muddooyinkaan uu raadinayay boosas uu kulahaa magaalada Kismaayo oo gacantiisa ka maqnaa.

Ilaa iyo hadda lama garanayo cida dishay iyo sababta loo dilay marxuumkaan lagu magacaabi jiray Cali Nuur Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here