War Deg deg ah: Ciidamada DF iyo Kuwa AMISOM oo Al-Shabab kala wareegay Deegaano Cusub

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo maanta ka ruqaansaday degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa  gaaray degmadda Sablaale, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Kooxda laga itaalka roonaaday ee Alshabaab.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Mudane Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in degmadda Sablaale gacanta ay ku hayaan Ciidanka xoogga dalka, isagoo xusay in Xaaladda degmadda ay tahay mid degan, uuna socdo Baaritaano amaanka lagu xaqiijinayo, waxaana uu shacabka ugu baaqay in Ciidammada Ammaanka ay la shaqeeyaan.

Guddoomiye Najax, ayaa sheegay in Ciidanka Huwanta ah ay ku dhowyihiin deegaano kale oo Degmadda Sablaale ay deris yihiin, islamarkaan Saldhigyo ay ku leeyihiin Nabad diidka Alshabaab.

Leave a Reply