Ciidamada DFS oo Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Ciyaaraha ku dhaawacay Muqdisho

0

Ciidamada dowladda Somalia ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dhaawacay mas’uul ka tirsan dowladda Somalia.

Mas’uulka ay toogteen ciidamada dowladda isla markaana ay dhaawaceen ayaa ahaa agaasimihii dhinaca xiriirka wasaaradda Isboortiga waxana lagu magacaabaa Cabdullahi Xiireey.

Ciidamada ayaa sarkaalkan ku toogtay bar koontarool oo ay ku leeyihiin banaanka hore ee beerta Nabadda.

Sarkaalka oo aan la sheegin dhaawaca uu qabo inta uu la egyahay ayaa loola cararay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho halkaas oo iminka lagu dabiibayo.

Ma cadda sababta ay ciidamada u toogteen sarkaalkan sare ee ka tirsan dowladda federaalka, mana jirto cid qabatay askartii falkaas geysatay.

Ciidamada dowladda ayaa mararka magaalada Muqdisho rasaas ku fura gawaarida ay wataan dadka shacabka iyo kuwo ay wataan mas’uuliyiinta intaba taasoo sababta dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here