Al-Shabaab oo Tooreey ku dishay Xubno Ajaanib ah oo ka tirsan kooxda (Magacyada)

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa dishay laba nin oo u dhashay dalka Kenya oo ka tirsanaa kooxda kadib markii ay ku eedeeyeen inay basaasiin u yihiin Sirdoonka Somalia iyo Kenya.

Dilka ay ku fuliyeen Al-Shabaab xubnahaan ka tirsanaa ee u dhashay dalka Kenya ayaa ka dhacday degmada Kuunya Barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xubnahan la dilay oo lagu kala magacaabo Hassan Yussuf iyo Mohamed Hassan oo kasoo jeedaan deegaanka Marsabit ayaa waxaa tooreey ku dilay dagaalyahano Shabaab ah 12-kii bishaan Febraayo.

Ilaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in maleeshiyaadka ay dadka deegaanka ku qasbeen si xoog ah inay daawadaan dilka oo ay shaaciyeen goor sii horeysay oo ahayd Sabtidii, iyagoo isticmaalaya gawaari ay ku xiranyihiin cod baahiyayaal.

Dadka deegaanka ayaa daawaday dilkaan ay fulineysay kooxda Al-Shabaab, waxayna kooxda argagixisada ah ay dilka dadka ay ku hesho dambiyada u isticmaashaa toogasho, qoor goyn iyo dhagax.

Dagaalyahanada ajaaniibta ah ee ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo intooda badan kasoo jeeda Kenya ayaa waxa ay la kulmeen dilal kala duwan oo ay kooxda u geysatay kuwaas oo ku eedeeya basaasiin.

Goor sii horeysay, inkabadan 20 Kenyan ah ayaa la dilay waxayna magacyadooda kala yihiin xubnaha Kenyan ah ee la dilay.

Jared Mokaya

Faraj Abdulmajid

Ahmed Yusuf

Ahmed Nur

Abdi Osoble

Abdullah Talal

Hashim Othman.

Sanadkii lasoo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah qoorta kaga jartay afar nin oo ay ku eedeeysay basaasnimo.

Kooxda ayaa xaqiijisay inuu dilka dhacay kadib markii ay sheegtay in ragaas ay maxkamadda Al-Shabaab ee degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ay ku heshay dambi.

 

Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro badan ka geystay dalka Kenya kuwaas oo ay jawaab uga dhigeen  ciidamada ay Kenya usoo dirtay Somalia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxana weerarradaas ku dhintay dad aad u farabadan.

Goobaha ay Al-Shabaab weerartay ee ku yaala Kenya ayaa waxaa ku jira goobo waxbarasho iyo sidoo kale xarumo ganacsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here