DEG DEG:Ciidamadii & Tiknikadii ugu badnayd ee Puntland oo gaadhay deegaanka Tukaraq + Dagaal saf balaadhan ah oo…

0

Wararka laga helayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamadii iyo Tiknikadii ugu badnayd ee Puntland ay gaadheen deegaankaasi Tukaraq.

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka kala tagay goboladda Bari iyo Kar Kaar, waxaana maanta ay si rasmi ah u gaadheen jiidaha hore ee dagaalka.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad dagaal oo aad u xoogan, waxaana heegan culus la galiyey ciidamada Puntland kuwaas oo loo diyaariyey in dagaalkii ugu cuslaa ay ku qaadaan Somaliland.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa  xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan Puntland ay maanta gaadheen deegaankaasi Tukaraq, waxaana ay xuseen in jiido hor leh ay ka galeen dagaalka ka dhanka ah ciidamada maamulka Somaliland.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa iyaguna difaac xoogan ku jira, waxaana xili walba dhici kara dagaal culus oo dhex mara labada dhinac walowse Beesha Caalamku ay diidan tahay suurta galnimada dagaalkaasi.

Hawlgalka xoreynta gobolka Sool ayaa sii xoogaysanayey tan iyo markii ay qabsadeen ciidamada maamulka Somaliland deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana isa soo tar tarayey ciidamo aad u badan kuwaas oo qorshahoodu uu yahay ka qayb qaadashada dagaalka xoreynta gobolka Sool.

Isha – Puntlandnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here