Hanjabaad kasoo yeertay qaar kamid ah ciidamada Galmudug oo ka cabanaya mushaar la’aan

0

Qaar kamid ah ciidamada booliiska Ggalmudug ayaa ka cabanaya mushaar la’aan in muddo ah heysato iyagoo hanjabaad soo saaray haddii aanan jawaab laga bixin arrintaasi.

Ciidamada iyo qaar kamid ah saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen inaan ku dhawaad 3 sano la siinin wax mushaaraad ah arrintaas oo ay ku tilmaameen mid xadgudub weyn ku ah xuquuqdooda.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ayaa waxa ay xuseen in dhowr jeer oo hore ay jeediyeen baaqyo kala duwan balse aysan jirin cid ka jawaabtay cabashadooda isla markaana dhagaha laga fureystay.

Waxay tilmaameen in la iskugu daray daryeel la’aan iyo mushaar la’aan isla markaana ay madaxda maamulka Galmudug yihiin kuwo ka meer meeraya ka jawaabidda baahiyahooda.

Ciidamadan oo ku dhow 400 oo askari ayaa waxa ay ku hanjabeen in haddii aanan laga jawaabin cabashadooda ay ku dhaqaaqi doonaan shaqo joojin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here