Roobow oo Hub badan kala tegay Baydhabo & Shabaab oo dagaalkii ugu cuslaa lagu qaadayo

0

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dhaqdhaqaaq dagaal oo ay wadaan Wadaadka Mukhtaar Roobow iyo Xoogaga daacada u ah ee ku sugan Gobolka Bakool.

Dhaqdhaqaaqa xoogiisa ayaa la sheegayaa inuu ka socdo magaalada Xudur iyo deegaanka Abal oo saldhig u ah Xoogaga Mukhtaar Roobow.

Mukhtaar Roobow, ayaa la sheegay in lagu wareejiyay Gaadiid dagaal iyo ciidamo cusub oo dhawaan uu diiwaan galiyay maamulka Koonfur Galbeed kuwaa oo la xaqiijiyay inay ka garab dagaalami doonaan Roobow iyo Xoogagiisa.

Gaadiidka iyo Ciidamada lagu wareejiyay Roobow ayaa la sheegay in leysugu geynaayo magaalada Xudur halkaa oo noqoneysa Saldhiga ugu weyn oo ay ka duuli doonaan Roobow iyo Xoogagiisa.

Gaadiidka iyo ciidamada cusub ayaa sidoo kale la sheegay in laga raray magaalada Baydhabo ee xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Roobow ayaa la qorsheynayaa in dagaal uu ku qaadi doono maleeshiyaadka al-Shabaab ee ku sugan Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana xusid mudan in garab weyn uu ka helaayo maleeshiyaad kale oo ugu dhex jira Shabaab.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa ka xaqiijiyay inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Mukhtaar Robow uu kawado magaalada Xudur iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Koonfur Galbeed iyo Roobow ayaa goor sii horeysay ku heshiiyay in si wada jira loola dagaalamo al-Shabaab kusii faafaaya deegaanada maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here