War Deg deg ah: Tirada Dhimashada oo dhaaftay 20 + dhaawacyada oo ku dhow boqol shil gaari…

0

Gaari ay saarnaayeen muhaajiriin farabadan ayaa ku rogmaday magaalada Bani Walid ee dalka Libya.

Ugu yaraan 19 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen gaariga rogmaday halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 80 ruux sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.

Agaasimaha isbitaalka Bani Walid ayaa sheegay in gaariga uu ku rogmaday meel fogaantii 80 KM bariga kaga beegan magaalada Bani Walid, dadka dhaawaca ah ayuu sheegay inay yihiin 78 ruux oo 8 kamid ah ay dhaawacyadooda yihiin kuwo halis ah.

“Darawalka nalooma keenin mana garaneyno waxa ku dhacay isaga darawalka” ayuu yiri agaasimaha isbitaalka.

Waxa uu sheegay inay u badantahay in darawalka uu ka bad baaday shilka hadii kalana la keeni lahaa isbitaalka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa ay isugu jiraan Somali iyo Eratariyaan sida lagasoo xigtay ilo milatariga oo tirada dhimashada ku hseegay 25 ruux.

Leave a Reply