Ciidamada Kenya oo dilay Xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab (Tirada)

0

Lamu (Jamhuuriyada Online) – Ciidamada Kenya ayaa howlgal ay ka sameeyeen Keynta Boni ee magaala xeebeedka Lamu ku dilay 3 ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Kenya David Obonyo, ayaa sheegay in ciidamada oo roondo ka waday wadada isku xirta Sarira iyo Kolbiyow ay la kulmeen mitidiinta kadib qarax culus oo si weyn loo maqlay.

Obonyo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay heleen meydka xubin ka tirsan Al-Shabaab oo la aaminsanyahay inay miinada ku qaraxday xilli uu isku dayayay inuu ku aaso wado ay isticmaalaan ciidamada.

Waxa uu sheegay in wax yar kadib dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidamada xilli ay sii wadeen roondooyin ay aaga ku nadiifinayeen.

“Inta uu socday dagaalka, 3 ka tirsan Al-Shabaab ayaa la dilay kuwii kalena keynta ayay u carareen iyagoo dhaawacyo qaba, ciidamada waxay heleen 3 qori oo AK 47 ah wareegyo rasaas ah, waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada iyo qalab kale” ayuu yiri Obonyo.

Dhanka ciidamada Kenya ayuu sheegay inaysan jirin wax qasaaro ah oo soo gaaray isagoo codsaday wixii macluumaad ah oo la xiriira xubno Shabaab ah oo doonaya gar gaar caafimaad in lala soo socodsiiyo.

Saraakiisha Booliiska iyo Sirdoonka Kenya ayaa waxa ay sheegen in argagixisada kasoo carareysa duqeymaha sii kordhaya ee ka dhacaya Koofurta Somalia inay isku urursanayaan aaga Lakta belt oo u dhow keynta Boni ee magaalada Lamu iyagoo ujeedkoodu yahay inay halkaas kasoo weeraraan bulshada maxalliga ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen Shabaabku ay xeeladohooda u bedeleen qaraxyo si ay weerarro uga geystaan magaalooyin xeebeedyada iyo gobolka Waqooyi Bari.

Booliiska waxay tilmaameen  in qaraxyada meelaha laga hago lagu aaso wadooyinka u dhow dhow xuduudka Somalia iyo Kenya maadaama ay sheegeen inay goobahaas ku yaryihiin howlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkaan weerarro isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah ka geysaneysay qaar kamid ah gobollada Kenya kuwaas oo inta badan ay ku qaadeysay saldhigayada ciidamada Kenya.

Leave a Reply