Afduub layaab leh oo ka dhacay degmo ka tirsan Puntland

0

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaaan in kooxo hubeysan ay shalay gelinkii dambe magaalada ka afduubteen nin si weyn looga yaqaanay halkaasi.

Shaqsiga la afduubtay oo lagu magacaabo Maxamed Siciid oo kamid ah shaqaalaha shirkadda Nuwaco qeybta biya galinta ayaa waxa ay dableyda ka kaxeysteen xarunta shaqada shirkadda.

Laamaha ammaanka gobolka iyo waxgaradka ayaa wadaan dadaallo dableyda gacantooda looga soo saarayo ninkaas.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la aqoonsaday dableydii afduubatay isla markaana ay taasi waxgaradka u sahli doonto in Maxamed Siciid laga soo saaro gacanta kooxda afduubatay.

Ilaa iyo hadda lama garanayo sababta loo afduubtay ninkaas iyo in haddii uu afduubkiisa la xiriiro arrimo qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here