Daawo Sawirrada: Booliiska Kenya oo mar qura wada Toogtay 7 Burcad ah

0

Booliiska Kenya ayaa toogasho ku dilay 7 burcad ah intii lagu guda jiray dhac fashilmay oo ay ka geysan rabeen xarunta ganacsiga ee Kibunja trading centre magaalada Molo ee ku taala wadada isku xirta Nakuru iyo Eldoret.

Taliyaha booliiska qeybta Molo Daniel Kamanza, ayaa sheegay in sadex kamid ah dambiilayaasha ay la baxsadeen dhaawacyo.

Mr Kamanza ayaa sheegay in qaar kamid ah bulshada ay ciidmadiisa kusoo wargaliyeen laba gaari oo laga shakiyay kahor inta aysan weerar gaadmo ah ku qaadin.

Dambiilayaasha ayaa waxa ay isticmaalayeen laba gaari oo noocoodu yahay Toyota fielder iyo Prado waqtigii ay isku dayayeen inay dhac ka geystaan wadada mashquulka badan.

“Waxay daba socdeen gaari siday sonkor oo ka yimaaday magaalada Nairobi kuna sii jeeday Eldoret, xubno kamid ah bulshada ayaa oo ka shakiyay gawaarida ayaa wargaliyay booliiska kuwaas oo si dhaqsi ah goobta u gaaray isla markaana toogtay burcaddii,” ayuu yiri Mr Kamanza.

Leave a Reply