DEG DEG: Xisbiga uu ka tirsanyahay RW Itoobiya oo aqbalay Isacasilaada RW Hailemariam

0

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam ayaa xaqiijiyay in xisbiga uu ka tirsanyahay ee ay ka aqbaleen iscasilaada, waxana la filayaa in iscasilaadiisa sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhammaytirmi doonto iscasilaadiisa marka xisbiga uu ka tirsanyahay ee EPRDF ay kulmaan.

Waxa uu sheegay in iscasilaadiisa ay tahay mid uu si nabad ah awooda ugu wareejinayo.

RW Itoobiya ayaa sheegay in awooda uu sii heyn doono ilaa laga soo dooranayo Ra’iisul wasaarihii isaga bedeli lahaa si dimuqraadi ah isagoo qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan dhallinyarada ugu baaqay inay ka qeyb qaataan nabadda iyo hormarka dalka.

Ra’iisul wasaaraha bedeli doona Hailemariam ayaa la filayaa inuu ka yimaado dhanka xisbiga Oromada ee (OPDO) .

Leave a Reply