Sawirro: Gawaari qaraxyo lagu diyaarinaayay oo la gubay & Horjooge Shabaab ah oo la qabtay

0

Ciidamada Xooga dalka ayaa howlgallo qorsheysan oo ay ka smaeeyeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan gawaari lagu diyaarinaayay qaraxyo.

Howlgallada qorsheysan ee ay fuliyeen ciidamada ayaa waxa ay si gaar ah uga dheceen deegaanada kala ah Aw-dhegle, Mubarak iyo Dar Salam.

Howlgalkaan oo u muuqday mid ay ciidamada hayeen xog badan oo ku aadan gawaarida qaraxyada lagu rarayo ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay deegaanka Aw-dheegle halkaas oo ay ciidamada ku qabteen gawaarida qaraxyada laga buuxiyay.

Saraakiisha ciidamada xooga dalka ayaa waxa ay sheegeen in Al-Shabaab ay sidoo kale ka gubeen ilaa 4 gaari iyo hub culus.

Waxaa sidoo kale u suurta gashay ciidamada inay qabtaan Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo gacanta ku hayay gawaarida qaraxyada lagu diyaarinaayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here