WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Galmudug oo la horgeynayo Mooshin & Cabashada kasoo yeerta…

0

Cabasho kasoo yeertay saraakiisha iyo ciidamada Galmudug oo ku aadaneyd inaysan helin wax mushaaraad ah ku dhawaad 3 sano ayaa durba laga bixiyay jawaab deg deg ah.

Cabashada ciidamada iyo saraakiisha Galmudu ee mushaar la’aanta ah mudada dheer ayaa waxaa durba jawaab ka bixiyay guddiga amniga ee baarlamaanka Galmudug.

Gudoomiyaha Gudiga Amniga iyo Xaduudaha ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug kana mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Galmudug  Duraan Cali Jaamac ayaa sheegay inay ciidamadaan ku shaqeeyaan daruufo adag isla markaana ay wax ka ogaayeen cabashada ciidamada.

Waxa uu masuuliyadda arrintaas dusha kaga tuuray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Galmudu isagoo tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid aanan loo dulqaadan doonin.

Waxa uu sheegay inay ka xunyihiin arrintaasi isla markaana ay kula xisaabtami doonaan madaxda Galmudug sababta ay ciidamada mushaar la’aan u yihiin muddo ku dhow 3 sano.

Waxa uu xusay in cabashadaan ay tahay mid soo laab laabatay oo aysan ahayn mid ku eg hadda kaliya isagoo arrintaas oo aaneeyay qalalaase ka jiray Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here