Muqdisho iyo Tijaabooyin horleh (Qormo Xiiso Leh)

0

Caasimada ayaa wajaheysa tijaabada dhibaatooyin horleh, kadib dhacdo 9 haween ah ay ku wax yeeloobeen oo maanta ka dhacday dagmada Cabdicasiis.

Sumeys
———-
Dhallinyaro sun lagu duray oo walaacsan, qoys daawo ay cabeen ku sumoobay oo intii badneyd ay dhinteen iyo tiro haween ah oo nadiifinaayay caasimada oo sun lagu buufiyay darteed isbitaalo u jiifa ayey noqotay hadal heynta dadka reer Muqdisho.

Ilaa hada lama yaqaano meesha ay waxani ka socdaan iyo sababta midna, waase dhibkii hore oo dhib cusub lagu daray.

Waa kala shakin bulsho oo horleh iyo inaad iska ilaaliso cid walba oo kusoo dhowaata.Dadka qaar waxey ku tilmaameen iney jiraan cuduro la faafinaayo.

Dhaqaatiirta
——————
Dhaqaatiirta Muqdisho ilaa hada ma sheegin waxa ay tahay umuurtan soo korartay, dhaqaatiirta Muqdisho waxaa lagu eedeeya iney yihiin kuwa dhiig miirad ah oo aan marnaba daraaseyn cudurada kusoo kordha bulshada kana digin, waxey garanayan uun sida masaakiinta lacagta looga furto.

Wasaarada caafimaadka
———————–
Sidii uu u dilaacay mooshinka Jawaari badi ma shaqeeyaan wasiiradeennu waxana mid walba loo diray inuu raadiyo xildhibaanada beeshiisa, suurta gal ma tahay in wasiirada Caafimaadku aaney ogeyn bulshada Muqdisho ee la sumeynaayo ?, jawaabtu waa 50-50.

Duqa magaalada
————————–
Duqa magaalada Muqdisho ayaa maalmahan lagu xantaa inuu xafiiskiisa usoo raray Hotel SYL isaga iyo kuxigeenkiisa Maaliyada ,waxaa la sheegaya in loo xilsaaray qeybinta lacagaha mooshinka ka dhanka ah gudoomiye Jawaari.

Waa suurt gal inuu Eng Yariisow maqlay dhacdooyinka xanuunka leh ee Muqdisho madaama uu aad u isticmaalo baraha bulshada laakiin ilaa hada waxba kama uusan qaban, lacagaha mooshinka loo isticmaalayo dadkii laga qaaday waa sumoobeen mana helin cid xabad kaniini ah u iibisa.

Qoys uu gurigooda dab ka kacay oo dad badani ay ka dhinteen, qoys daawo ku sumoobay oo dhowr qof ay ka dhinteen iyo wiilal bajaajley ah oo sun lagu duray isbitaalo u jiifa ama shaqaalihii nadaafada gobalka Banaadir ee maanta la sumeeyay wax weyn uma arko duqa caasimada.

Cabdulaahi Cismaan Faarax
Raafac22@gmail.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Sponsored

Leave A Reply

Your email address will not be published.