Dhagayso: Al-Shabaab Oo soo Bandhigay Magaca, Qabiilka & Codka Ninkii Isku Qarxiyay Buula Mareer

0

Idaacadda Andalus ee Ku Hadasha Afka Al Shabaab ayaa baahisay wareysi laga qaaday mid kamida Raggii Fuliyay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM kuleeyihiin deegaanka Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ismiidaamiyaha ayaa magiciisa ku sheegay Cali Xaaji Xasan oo ku magac dheeraa Carab wuxuuna kasoo jeeday Beesha Abaa Jabal gaar ahaa Reer Cusmaan, ismiidaamiyaha ayaa ku dhashay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose wuxuuna kamid ahaa ciidamada Al-Shabaab ee loo yaqaan Fursaanul Xisbah.

Ismiidaamiyaha ayaa baaq u diray uu udiray waalidiintiisa waxa ku sheegay inuu jecleystay inuu haligo naftiisa inta uu isbaaro dhigan lahaa ama maandooriye isticmaali lahaa isagoona xusay in bilooyin badan uu baryaayay inuu isqarxiyo oo uu naftiisa halaago.

Ismiidaamiye Carab waxa uu dhaliilay dhallinyarada oo uu sheegay in maqaayadaha ay iska fadhiyaan shaahna ay iska cabayaan isagoo jeclaan lahaa in sidii isaga ay naftooda haligaan hubkana ay qaataan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay weeraradii ay ku qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM in ay ku dishay 59 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda iyadoo dowladda Uganda ay beenisay tiradaas isla markaana sheegtay in 8 askari looga dilay weeraradaas oo ay dhankoodana Al-Shabaab ka dileen inkabadan 32 dagaalame.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Sponsored

Leave A Reply

Your email address will not be published.