Dhageyso: Al-Shabaab oo soo bandhigay Magaca, Codka & Qabiilka Ninkii Labaad ee isku qarxiyay Buula Mareer

0

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa baahiyay wareysi lala yeeshay mid kamid ah raggii isku qarxiyay saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buula Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ismiidaamiyaha oo magiciisa lagu sheegay Sacad Xuseen Xaashi ayaa magaca Al-Shabaab dhexdeeda looga yaqaan waxa uu ahaa Xaaji Mi’ateyn, wuxuu kamid ahaa dagaalyahannadii ismiidaamiyeyaasha ahaa ee weerarka ku qaaday saldhigga ciidamada Uganda deegaanka Buula Mareer gobolka Sh/Hoose.

Idaacadda Al-Shabaab ee Andalus oo wareysatay Ismiidaamiyaha ayaa waxa uu  Beesha uu kasoo jeedo ku sheegay Habar Gidir gaar ahaan Jufada Sacad ee degta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.

Ismiidaamiye Sacad Xuseen Xaashi oo ahaa 42 sana jir ayaa waxa uu beesha uu ka dhashay ee Habar Gidir ugu baaqay inay Al-Shabaab ku gacan siiyaan dagaallada iyo isqarxinta.

Ismiidaamiyaha ayaa dar daaran u jeediyay caruurta uu dhalay gaar ahaan wiilasha isagoona sheegay inuu kula dar daarmayo in wadada uu isaga maray ay maraan isla markaana ay sidiisa oo kale isku qarxiyaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Sponsored

Leave A Reply

Your email address will not be published.