Somaliland: Kala Dhawra Qaran iyo Qabyaalad

0

Somaliland waa dal dimoqaraadi ah oo ku dhisan codka doorashada ee rabitaanka ummadda. Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka waxaa lagu soo doortaa codka shacabka (qof iyo cod).

Sidaas oo kale, xubnaha golayaasha dhexe ee axsaabta qaranka waxaa lagu soo doortaa shirweynayaasha axsaabta qaranka. Guddoomiyayaasha golaha dhexe ee axsaabta qaranka waxaa lagu soo doortaa doorasho ka dhacda shirka golayaasha dhexe ee axsaabta qaranka, waxaana ku soo baxa marba qofka ugu cod badan ee shirku u garto inuu hoggaamiyo xisbiga, mustaqbalkana suurtogal noqonkarta In xisbigu u soo sharraxo madaxweynenimo.

Hoggaaminta dalka iyo axsaabtu qaranku waa inay ku dhisnaataa loolan siyaasadeed oo lagu kala badiyo kana nadiif ah qabyaalad.

Beelaha Somaliland waa u simanyihiin doorashada guddoomiyayaasha axsaabta qaranka. Waa wax laga naxo in beeli tidhaahdo: “Waxaan madaxweynaha ka rabnaa inuu naga soo wareejiyo guddoomiyaha xisbi si aanu madaweyne u noqono mustaqbalka.” Caqligaasu marnama kama talinayo in Somaliland ay sii ahaato dawlad iyo qaran madaxbanaan waayo marba qabiil ayaa sheegankara hoggaaminta dalka. Waa caqli muujinaya inaan dalka la wada lahayn, waa caqli muujinaya inaan hoggaaminta iyo dawladnimada dalka loo wada sinayn. Waa figrad halis ah oo fitno iyo iska-horimaad dhalinkarta, aakhirkana keenikarta inay dumiso Somaliland. Arrintaas waxaa saldhig u ah figradda ah: “Haddii aanu nahay beel hebel, waanu ku dooranay ama waanu ku doorandoonaa ee kursiga guddoomiyanimada xisbiga naga soo wareeji haddii kale ku soo noqonmaysid kursiga madaxtinimada marlabaad.”

Laba arrimood waa ku halis qaranimada Somaliland, kuwaas oo kala ah: Shirarka qabiilka ee ku dhisan siyaasadda iyo sheegashada beel gaar ah inay sheegato guddoomiyenimada xisbi qaran. Arrimihii hore u dhacay ee la xidhiidhay ama ku salaysnaa labadaas arrimood waxay ahaayeen kuwo aad u khaldan waayo waxay ku salaysnaayeen qabyaalad fool-xun oo ummadda kala geynkarta. Arrinta lagu magacaabo “Jeegaanta” iyaduna maaha arrin dan u ah wanaagga Somaliland waayo waxay muujinaysaa cadaalad-xumo iyo is-bahaysi qabyaaladeed oo inta kale ka dhan. Xukun dal oo loo simanyahay gar maaha in beel gaar ah sheegato. Haddii nin gabooye ah uu ku guulaysto hoggaaminta dalka, waa in la wada adeecaa oo loo hoggaansamaa, waa haddii la rabo dawladnimo iyo qaranimo qofkasta oo Somaliland ahi uu ku farxo kuna faano.

Doorashada golayaasha wakiilada iyo guurtida waa in laga ilaashaa qabyaalad waxaana habboon in lagu saleeyo degaan halkii lagu salayn lahaa beel. Tirada wakiilada gobolka ee laga soo dooranyo degmada waxay marba ku xidhantahay tirada dadweynaha ee ku nool degmada. (Laakiin inta la helayo tirokoob sax ah ee degmakasta ee gobolkasta mustaqbalka, waxaa habboon in la maareeyo laakiin aan marnaba lagu salayn qabiil ama beel balse lagu saleeyo degaan).

Guurtida waxaa habboon in gobol kasta la siiyo tiro go’an oo dhammaan degmooyinka gobolku soo wada doortaan sida gobol kasta waxaa uu soo dooranayaa 3 xubnood oo guurti ah si joogto ah. Sannadaha ay wakiilada iyo guurtidu u adeegayaan ummadda waa in lagu caddeeyaa Dastuurka Dalka si aan doorasho dambe dib ugu dhicin mustaqbalka. Maayarada waxaa soo dooranka dadka degan degmada iyaga oo iyaguna leh waqti cayiman oo ay u adeegaan degmada.

Haddii doorashada wakiilada iyo guurtida lagu saleeyo qabiil waxaad ogaataan inay u adeegidoonaan beesha soo xusha oo qudha, taasuna maaha dawladnimo iyo qaranimo. Wakiilkasta ama xubinkasta oo guurti waa inay soo doortaan isla markaana metalaan dadka gobolka oo dhan. Qaran iyo qabyaalad  kala dhawra haddii aad rabtaan inaad noqotaan qaran midaysan oo nabadgelyo ku nool oo leh awood, sharaf, iyo horumar wada saameeya dalka iyo ummadda.

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

March 8, 2018

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Sponsored

Leave A Reply

Your email address will not be published.