RASMI: Kooxda Manchester City oo ku guuleysatay horyaalka Premier League 2017-18

0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku guuleysatay caawa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18, kaddib markii kooxda ku soo xigtay ee Man United ay guuldarro kala kulantay West Brom.

Kooxda West Bromwich Albion ayaa kulan goordhow soo dhammaaday oo ka tirsan hoyaalka Premier League waxa ay 1-0 uga adkaatay kooxda kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Premier League ee Manchester United ciyaartaasoo ka dhacday garoonka Old Trafford.

Kulankan ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, laakiin kooxda fadhisa halka ugu hooseysa horyaalka Premier League ee West Brom ayaa ugu dambeyn 1-0 uga badisay kooxda uu hoggaamiyo Jose Mourinho, taasoo Man City u sahashay inay xaqiijisato hanashada horyaalka Premier League caawa.

West Bromwich Albion goolka qura oo ay ciyaarta guusha ku adkaatay waxaa u dhaliyey 73’daqiiqo Jay Rodriguez, kaddib markii uu ka faa’iideystay koorno la soo qaaday oo uu madax ku dhaliyey, Man United ayaana 1-0 looga adkaaday.

Natiijadaas ayaa ka dhigtay in Man City loo caleemo saaro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18, iyadoo horyaalka uu ka harsan yahay shan kulan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Sponsored

Leave A Reply

Your email address will not be published.