Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda oo Caawa lagu Dilay Magaalada Muqdisho

0

War goor dhow nagasoo gaaray degmada Yaaqshiid ayaa waxa uu sheegayaa in kooxo hubeysan ay halkaasi dil ka geysteen.

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska ayaa lagu dilay guddaha degmadaas gaar ahaan meel u dhow xarunta degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Laba wiil oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa la sheegay inay toogteen sarkaalka ka tirsanaa ciidamada booliiska kuwaas oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Dheere, wuxuuna si gaar ah uga tirsanaa saraakiisha Ciidanka Booliska qeybta Dambi baarsita, sida ay inoo sheegeen saraakiisha Hay’adaha ammaanka.

“Waxaan kuu sheegaa in maqribnimadii caawa xilligii Salaada lagu jiray ayaan marqura ka maqalnay xabado aagga xarunta degmada, kadib markii aan banaanka u baxnay ayaan maqalnay in la dilay Sarkaal Boolis ah, Ciidamo ayaa yimid oo qaaday Meydka, Howlgal ayay wadaan caawa Ciidamada.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray dilka kadib ayaa waxa ay halkaas ka sameeyeen baaritaan xoogan inkastoo ay ku guul dareysteen soo qabashada dableydii dishay sarkaalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Sponsored

Leave A Reply

Your email address will not be published.