Askarigii Kismaayo ku Dilay Xaaskiisa Marxuumad Muxubbo oo la xiray

0

Askari ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa shalay dil u geystay gabar xaaskiisa ahayd falkaas oo bulshada ay aad uga argagexeen isla markaana cambaareeyeen.

Gacan ku dhiiglaha oo lagu magacaabo Cabdullahi Asad Ismaaciil ayaa dilay xaaskiisa xilli ay jiiftay daaradda hooyga ay ka deganaayeen magaalada Kismaayo.

Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Muxubbo Maxamed Guure oo la sheegay in gacan ku dhiiglaha uu qabay muddo 3 bilood ah isla markaana ay uur lahayd ayaa ku geeriyootay isla goobta.

Askariga oo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa la sheegayaa in ciidamada ammaanka Jubbaland ay gacanta kusoo dhigeen isla markaana uu iminka ku jiro xabsi ay maamulaan ciidamada Nabadsugidda Jubbaland oo gacan ku dhiiglaha kasoo qabtay gudaha magaalada Kismaayo.

Allaha u naxariistee Marxuumad Muxubbo Maxamed ayaa ahayd 18 toban jir sida ay sheegeen ehelladeeda,waxana falkaan si weyn u dhaleeceeyay shacabka Somaliyed oo codsaday in caadaladda la marsiiyo gacan ku dhiigle Cabdullahi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Sponsored

Leave A Reply

Your email address will not be published.