DEG DEG: Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Boobay xaruntii Tababarka Imaaraadka ee Muqdisho

0

Qaar ka mid Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa Xarunta Tababarka Ciidamada ee Imaaraadka Carabta ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay Boobeen agab yaalay Xarunta oo ay maanta ka baxeen Saraakiishii Imaaraadka.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay qaateen Agab Ciidan qalab lagu tababarto iyo Gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Imaaraadka ee ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dhacyo uu dhaxmaray Ciidamadii xarunta ku sugnaa kuwaas oo ku dagaalamay agabkii ay qaateen.

Imaaraadka ayaa saakay ka baxay Muqdisho waxayna qaateen Konteenaro iyo agabyo kale kadib markii uu xumaaday xiriirkii ay la lahaayeen Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Sponsored

Leave A Reply

Your email address will not be published.