DEG DEG: Imaaraadka oo ku Dhawaaqay Xiritaanka Isbitaalkii Sheekh Zayed ee Muqdisho

0

Warbaahinta dalka Imaaraadka ayaa goor dhow baahisay in gabi ahaanba albaabada la iskugu dhuftay isbitaal weyn oo uu Imaaraadka Carabta ka furay magaalada Muqdisho ee lagu magacaabo Sheekh Zayed Hospital.

Arrintaan ayaa imaaneysa xilli uu aad usii xumaaday xiriirka ka dhexeeyay labada dal ee Imaaraadka Carabta iyo Somalia kadib markii dowladda Somalia ay ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabatay diyaarad Imaaraadku lahaa oo siday lacag malaayiin dollar ah.

Ku dhawaaqista Imaaraadka ee xiritaanka Isbitaalka weyn ee Sheekh Zayed ayaa kusoo beegmeysa xilli ay si rasmi ah dowladda Imaaraadka u shaacisay inay joojisay taageeradii iyo caawinaadii milatari ee ay siin jirtay Somalia.

Goor sii horeeysay Saraakiishii tababarayaasha ahaa ee ku sugnaa Xerada tababarka Imaaradka ee Muqdisho ayaa saakay isaga baxay Magalada Muqdisho,iyaga oo dalkooda dib ugu laabtay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Sponsored

Leave A Reply

Your email address will not be published.